Adeega Turjumada Qoraalka (Translation) iyo Turjumada Hadalka (Interpreting)Konsulka Southwark waxey u go’day iney u diyaariso adeega turjumada qoraalka iyo hadalka oo lacag la’aan ah, dadka oo ku hadli karin luqada ingariisiga, siday ugu suurto gasho iney ku adeegtaan ama fahmaan waxa konsulka Southwark u diyaarisay.
Adeega ama howsha oo konsulka u diyaariyay waa mid heer sare ah, waxaanu rajeyneynaa in si gaar ahaan loo daryeelo dadka dareenka badan. Waxaan diyaarinaa mutarjamiin ku hadla 70 luqa oo luqooyin kala duwan oo heer sare ah, waxaa looga tala-galay sidaan u fahmi laheen dadweynaha kala duwan ee dagan Southwark dhaqankooda iyo waxey u baahan yihiin.
Dastuurkeynu oo luqooyinka waxey dabooshaa baahida loo khabo sidii leesku afgaran lahaa, diyaarinta dastuurku luqooyinka kala duwan maclumaadkeedu waxaan ku qornay far waa-weyn , loogu tala galay iney akhristaan dadka aan wax arkeynin iyo dadka ku takhasusay saameynta luqada ingariisiga, (British Sign Language).
Sidaan ku hubsano inaad isticmaashid ama fahantid adeega aan kuu diyaarinay, waxaan kuu diyaarinay mutarjimiin ku hadla afkaaga hooyo sidey kugu caawiyaan ama kuu fahamsiyaan markaad:-
- Adeega aan kuu khabaneyno wiji ka wiji ama telefoonka aan ku wada-hadleyno
- Markaan kuu sheegeyno wax yaalaha muhimka oo adeega konsulka ah
- Markaan la xarireyno qof walba adeegeynu isticmaalo sidaan ku ogaano wixii xaaladoodu ay tahay ama ku saab-santahay
Sidaad ku heli laheed caawimo ama taageero
Hadaad soo booqato One Stop Shops ama aad balan aad la leedahay shaqaalaha ka shaqeeya konsulka Southwark, waxaad codsan kartaa mutarjim. Waxaan kuu diyaarin karnaa mutarjim hadaad meesha aad joogtid ama hadaad telefoonka nalaga soo xariirtid. Hadii mutarjim aan kuu diyaarin karin maalintaas, maalin kale ayaan balan kuu sameyn doonaa.
Hadii waraaq laguu soo diray aadna fahmin waxa waraaqda ku qoran, waxaad ka codsan kartaa shaqaalaha ka shaqeeya konsulka Southwark in mutarjum ku hadla afkaaga hooyo kuu tarjuma. Hadii waraaqooyinka ay badan yihiin waxaan kuu diyaarineynaa mutarjim ku fahamsiyo waxa waraaqda ku qoran. Waxaad kale weydiin kartaa shaqaalaha howsha kuu wada oo ka shaqeeya konsulka Southwark in cajalad kugu duubo oo hadal ah waraaqooyinka waxa ku qoran ama lagugu qoro far waa-weyn.
Maclumaad dheeraad waxey ka heli karaan dadka aan si fiican wax u maqlin One Stop Shops. |
| |